Tuesday, May 26, 2026
26.7 C
Mogadishu

Kenya oo sheegtay in Facebook ay ku xadgudubtay shuruucda dalkeeda

Nairobi (Halqaran.com) – Hay’adda ilaalisa is-dhexgalka qowmiyadaha Kenya ayaa u qabatay shirkadda maamusha Facebook ee Meta muddo toddobo maalmood ah inay wax ka qabato waxa ay ugu yeertay hadallada nacaybka iyo kicinta ee la xiriira doorashada bisha soo socota, haddii kale laga mamnuucayo dalka Kenya.

Dalka ugu dhaqaalaha weyn Bariga Afrika ayaa ku jira ololihiisa doorashada kahor doorashooyinka madaxtinimo, sharci-dejinta iyo dowladaha hoose ee 9-ka Agoosto.

Kooxda u doodda xuquuqda aadanaha ee Global Witness ayaa warbixin ay soo saartay Khamiistii ku sheegtay in Facebook ay aqbashay oo ay tallaabo ka qaadday in ka badan 12 xayaysiis siyaasadeed oo kahor imaanaya shuruucda Kenya.

Guddiga qaran ee isku dhafka iyo isdhexgalka ee Kenya (NCIC) ayaa sheegay in warbixintu ay xaqiijineyso natiijooyinkeeda gudaha.

“Facebook-gu waxa uu ku xad-gudbay shuruucda dalkeenna. Waxay isu oggolaadeen in ay noqdaan kuwa horseeda hadallada nacaybka iyo kicinta, war-xumada iyo wal-walgelinta,” ayuu yiri Danvas Makori, oo ah guddoomiyaha NCIC.

“Shirkadda Meta ee Facebook waxa ay qaaday “tallaabooyin ballaaran” si ay meesha uga saarto hadallada naceybka ah iyo waxyaabaha xanafta leh, waxayna sii xoojinaysaa dadaalladaas kahor doorashada” ayuu afhayeen u hadlay shirkadda u sheegay Reuters.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...