Monday, April 20, 2026
29 C
Mogadishu

Madaxweyne Xasan Sheekh oo war ka soo saaray Amniga dalka

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimaha amniga magaalada Muqdisho ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay ciidamada la shaqeeyaan sharcigana garab siiyaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey nafhurnimada iyo halganka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo u taagan xaqiijinta amniga har iyo habeen.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa cadeeyey in ay ka go’antahay dowladdiisa cusub in ay amniga Muqdisho iyo guud ahaan dalka wax weyn ka qabato, iyada oo talaabo adag laga qadayo kooxaha Argagixisada iyo burcada hubeysan ee dadka wax yeeleysa.

Madaxweynaha JF Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa nasiib darro ku tilmaamay in waalidiintu ay soo daba galaan kooxaha la baxay ciyaal weerada markii ay soo qabtaan ciidamadu, isagoo ku adkeeyey waalidiinta iyo hey’adaha amniga in qof dambiile ah aan qiil loo raadin ee sharciga la hor geeyo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...