Tuesday, April 21, 2026
29 C
Mogadishu

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku saabsan hagaajinta xiriirka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ku joogay dalkaas ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo sagootiyey Garoonka Diyaaradaha magaalada Jabuuti, Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada dalkaas, Saraakiil ciidan iyo cutubyo ka tirsan baambayda dalkaas oo salaan sharaf ku maamuusay sagootinta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in booqashadan miro-dhalka ah ee uu ku tagay dalkaas iyo wadahadalladii ay wada yeesheen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay ka markhaati kacday walaalnimada iyo wada jirka ka dhexeeya Labada shacab ee walaalaha ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaqiijiyey mudnaanta ay siineyso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalka Gobolka iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dariskeeda, taas oo muhiim u ah mustaqbalka iyo horumarka dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku suganaa Jabuuti waxa uu kulan la qaatay walaalkiis Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo hadal ka jeediyey Xarunta Baarlamaanka Jabuuti, ugana xog warramay xaaladda dalkeenna iyo duruufaha ku xeeran, ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo doorkooda wadajirka ah ee ku aaddan horumarka iyo xasilinta Gobolka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...