Friday, May 22, 2026
28.9 C
Mogadishu

Muqdisho: Booliska oo soo bandhigay kooxo burcad ah iyo Ciyaal weero

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliska Ciidanka booliska Gobolka Banaadir ayaa Saldhiga degmada Xamar Jajab waxaa ay kus oo bandhigeen Kooxo isugu jira Burcad iyo Ciyaal weero, kuwaas oo lagu soo qabtay howlgalladii ugu dambeeyay oo ciidamadu ay ka sameeyeen meelo kamid ah magaalada muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in howlgallo ay sameeyeen Ciidamada ku sugan Saldigyada Booliska, degmooyinka Kaaraan, yaaqshiid, Hiliwaa & howl-wadaag ay kusoo qabteen kooxo burcad ah oo qaarkood ku guda jiray dhaca Mobeelada.

Cabdifataax Aadan Xasan oo warbaahinta kula hadlay Saldhigga degmada Xamar Jajab ayaa waxaa uu sheegay in intii ciidamada howlgalka kujireen ay la kulmeen dhalinyaro 9-qof ilaa 10-qof iskula dagan oo qolal ka kireystay Magaalada, kuwaas oo Qatar ku ahaa amniga Caasimadda.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in Booliska Soomaaliya uu gacanta ku haayo kiiska Mootooyin ka qeyb qaata dhaca Kooxaha burcadda ah ay ka geystaan magaalada muqdisho, kuwaas oo uu sheegay inay Ciidamada u raad joogaan.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqay Waalidinta Ciyaal weerarada inay ka warhayaan Carruurtooda, isaga oo sheegay in uu uga digayo waalidka inay hadhow u soo qeylo dhaamiyaan markii la qabto Carruurtooda, iyaga oo ku guda jira falal lidi ku a amniga.

Ugu dambeyn, Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan wuxuu sheegay in aan marnaba la siideyn doonin kooxaha burcadda ah iyo mootooyin bajaaj ee la soo qabto, isaga oo u digay wadayaasha mooto Bajaajta ee isku dayaya inay shaqeeyaan wixii ka dambeeya 12:00 Saqdhexe ee habeennimo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...