Wednesday, April 22, 2026
26.4 C
Mogadishu

Shil Diyaarad oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde & Wararkii ugu dambeeyay +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) – Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Isniintii maanta ka dhacay Shir diyaradeed oo khasaaro xooggan gaystay, iyadoo faah-faahinno kala duwan ay kasoo baxayaan dhacdada ku aaddan diyaaradda ku gubanaysa Garoonka.

Wararka ayaa in Mid kamid ah Diyaaradaha Shirkadda Jubba Airways ay goordhaw ku burburtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde xilli ay soo cagadhiganeysay dhabaha Garoonka.

Dhammaan Rakaabka la socday diyaaradda ayaa laga soo badbaadiyay, mana jiro qasaare ah dhaafsiisan burburka diyaaradda, oo soo gaaray Rakaabka.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay arkayeen diyaaradda oo Mid kamid ah Baalasheeda dhulka ku dhufsatay kadibna kabaxday Dhabaha ay kusoo dageysay.

Sidoo kale, waxaa Muuqaallo iyo Sawirro lagu baahiyay Baraha Internet-ka ay muujinayaa khasaaraha iyo Burburka Xooggan ee gaaray Diyaaradda, waxaana sidoo kale la arkay Qiiq iyo Uuro cirka isku shareeray.

Diyaaraddan oo ka timid Baydhabo ayaa waxaa saarnaa rakaab gaarayay 33 qof oo dhammaantood ka badbaaday shilkaas diyaaradeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...