Sunday, April 19, 2026
28.2 C
Mogadishu

Kooxo hubeysan oo dad ugu geystay Gaalkacyo dil iyo dhaawac

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya Waqooyiga Gaalkacyo ayaa sheegaya in xalay lagu dilay halkaasi Cirro Xaaji Cali oo ka mid ahaa dhalinyarada magaaladaas.

Ninkaan dhalinyarada ayaa dhintay ka dib markii ay haleeshay rasaas ay fureen ciidamo howlgal ku jiray oo ka tirsan maamulka Puntland.

Dhanka kale, Gaalkacyo waxaa xalay lagu dhaawacay Cilmi Cali Guuleed oo ah madaxa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ee gobalka Mudug.

Mas’uulka ayaa dhaawac ka soo gaaray madaxa, kaddib markii ay toogteen koox aan haybtooda la garan.

Laamaha amniga Puntland ayaa weli hadlin dilka iyo dhaawaca saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...