Saturday, May 23, 2026
26.6 C
Mogadishu

Madaxweynaha JF Somaliya Xasan Sheekh oo u ambabaxay dalka Kenya

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaar ka mid ah dalalka Gobolka ku maraya socdaal ku saleysan xoojinta xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalkaas iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dariskeeda ayaa u amba-baxay Jamhuuriyadda aan dariska nahay ee Kenya ka dib casuumaad uu ka helay Madaxwayne Uhuru Kenyata.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Kenya Mudane Uhuro Kenyata la yeelan doona wadahadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyadoo ay ka wada xaajoonayaan xal u helidda caqabadaha isbeddelka cimilada, abaaraha, amniga iyo dhaqaalaha.

Xasan Sheekh ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in danta shacabka Soomaaliyeed lagu raadiyo iskaashi iyo wax wada qabsi, taas oo horseedaysa horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo danaha isku dhafan ee ka dhaxeeya labada shacab ee dariska ah, adkeynaysana xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta Gobolka.

Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nayroobi waxa uu kulammo kala duwan la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas, si uu uga xog wareysto xaaladdooda iyo duruufaha ku xeeran, isagoona ka dhageysan doona talooyinka iyo tilmaamahooda ku aaddan horumarka iyo xasilinta dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...