Tuesday, May 26, 2026
28.1 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Maxaa ka soo baxay Kulankii dhexmaray agaasimaha madaxtooyada iyo Saraakiil ka socday Bankiga Adduunka?!

Muqdisho (Halqaran.coom) – Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa kala hadlay Madax ka socotay Bangiga Adduunka xal u helista dhibatooyinka biyo yaraanta iyo fatahaadaha wabiyada Shabeelle iyo Jubba ee mara dalkeenna.

Mr. Fuursade ayaa tilmaamay in wabiyadan ay muhiim u yihiin nolasha dadka Soomaaliyeed, maadaama ay ku tiirsan yihiin beeraha soo-saara dalagyada aasaasiga ah, taas oo ay tahay in dowladdu ay siiso ka warqabkooda mudnaan gaar ah.

Kulanka waxaa ku weheliyey Agaasimaha Madaxtooyada Xeeldheerayaal Soomaaliyeed oo afar ah kuwaas oo hordhigay Bangiga Adduunka qorshe ku wajahan in iskaashi dhow arrinkan lagala yeesho Dowladaha dariska ah ee aan wabi-wadaagga nahay iyo in la dardar geliyo daraasadaha ku aaddan caqabadaha wabiyada dalka iyada oo la tixraacayo heshiisyada caalimaga ah ee ku saabsan wadaagga biyaha wabiyada.

Dhankooda, Madaxda ka socotay Bangigaga Adduunka ayaa ballan qaaday in ay ku garab siinayaan xeeldheerayaasha Soomaaliyeed diyaarinta daraasadaha la xiriira caqabadaha wabiyada Shabeelle iyo Jubba, in lagala shaqaynayo in ay soo qiimeeyaan xaaladaha dalalka caalamka ee wada dheefsada wabiyada, si ay hormuud ugu noqdaan dadaallada sharci iyo siyaasadeed ee dowladdu laga rabo in ay ku ilaaliso saamiga dalka ee biyaha wabiyada.

Saraakiisha Bangiga Adduunka ee uu la kulmay Agaasimaha Madaxtooyadu ayaa waxaa ka mid ahaa U-qeybsanaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Mudane Hugh Riddle, Khabiirro Sare oo dhanka Biyaha iyo Nadaafadda Mudane William Rex iyo Tesfate Bekalu.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...