Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dharkenleey lagu dilay mid ka mid ah Macalimiinta Jaamacadaha ku yaalla Magaalada Muqdisho, iyada oo dadka dilay ay baxsadeen.
Alle ha u Naxariistee Macalinka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cusmaan Axmed Macow ayaa kamid ahaa Macalimiinta Jaamacadda Horseed, waxaana la sheegay in rag Burcad ah oo ka dhacayay taleefoonkiisa ay ku dileen Suuqyaraha degmada Dharkenleey.
Ragga Burcadda ah iyo Macallinka ayaa ka hor dilka la sheegay in uu dhexmaray muran taas oo keentay inay dilaan, iyaga oo ka qaatay taleefoonkiisii iyo Agab kale oo uu watay.
Qaar kamid ah ehelladiisa ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo Goobta ka qaaday meydka Macalinka, kaas oo la geeyay Xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da.
Ilaa iyo hadda kama hadlin dilkaasi laamaha Amniga iyo Maamulka degmada Dharkenleey.
Dilka Macallinka ayaa imaanaya, xilli ay Caasimadda Muqdisho ku soo bateen Kooxo burcad ah oo dadka dilaya kadibna dhac u geysanaya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





