Monday, April 20, 2026
29.2 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Xamze oo arrimo muhiim ah kala hadlay Safiirka Midowga Yusub

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta waxaabuu xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Dowladda Soomaaliya, iyadoo lagu saleynayo howlaha hortebinta u leh Dowladda.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann ayaa sheegtay inay si dhow ula Shaqeyn doonto dowladda Cusub ee Soomaaliya, isla markaana ay kordhinayaan mashaariicda horumarineyd oo ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xamze ayaa dhankiisa uga mahad celiyau Safiika taageerada uu Midowga Yurub siiyo Soomaaliya  isaga oo balan qaaday inay Midowga Yurub wadashaqeyn buuxda la yeelan doonaan.

Waxaa maalmaha soo socda ka hor Magacaabistiisa Golaha Wasiirada la filayaa in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre in uu la kulmo Wakiilada Beesha Caalamka, isaga oo kala hadli doona taageerada ay dooneyso dowladda cusub iyo in loo gurmado dadka ay saameeysay abaarta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...