Monday, May 25, 2026
30.9 C
Mogadishu

Danjiraha Dowlada Soomaaliya U Qaabilsan Ururka (OIC) Oo Waraaqaha Aqoonsiga Laga Guddoomay.

jiddah(Halqaran.com) –Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga dalalka Islaamka (OIC) danjire Xuseen Ibrahim Taha ayaa Warqadaha aqoonsiga Ergeynimo ka guddoomay Ergeyga cusub dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona Ururka (OIC) Ibraahim Aadan Muuse.

Munaasabadda gudbinta iyo guddoonka waraaqaha Aqoonsiga oo ka dhacday Xarunta Ururka ee magaalada jiddah ee dalka Sacuudi carabiya ayaa labada dhinac waxaa ay ka wada hadleen baahida loo qabo sidii loo horumarin lahaa siyaasadda iyo istiraajiidiyadda uu ururka (OIC) ugu talo galay xaqiijinta himilooyinka dunida islaamka.

Ergeyga Dowladda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan ururka Iskashiga wadamada Islaamka(OIC),Waxa uu ka mahadceliyay sida ldiiran ee loo soo dhoweeyay, isagoo ballanqaaday in uu ku dadaali doono ballaarinta xiriirka iyo wax wada  qabsiga.

Sido kale Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka ee (OIC)  Danjire Xuseen ibraahim (Daha) ayaa sheegay in maamulka Sare ee Ururka ay gacan weyn ku siin doonaan xilka loo soo magacaabay Dr ibraahim Aadan Muuse.

Ururkaan  Iskaashiga Islaamka ayaa waxaa ku Midoobay ilaa 57 dal oo ah wadamada Islaamka, waxaana la Aas’aasay Sanadkii 1996-kii, iyada oo Soomaaliya laheyd fikradii lagu sameeyay Ururkaas.

Xafiiska Wararka HalQaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...