Muqdisho (Halqaran.com) –Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda hey’adda I.O.M ee Soomaaliya.
Kulankaas ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xoghayaha guud ee Maamulka gobolka Banaadir iyo Xaririiyaha Arrimaha Baniaadanimada ee Xafiska Xalka Waara ee G/Banaadir.
Ujeedka kulankan ayaa ahaa sidii loo dardargalin lahaa dhismaha dhul baaxad leh oo ku yaala degmada Hiliwaa kaas oo ay Dowlada Hoose ee Mogadishu bixisay dhul ay ugu talagashay in lagu deegaameeyo ama Dib-udajin loogu sameeyo dadka Barakacyaasha ah ee kunool Caasimadda.
Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir Xiirey Axmed oo kulanka faah faahinayay ayaa sheegay in siweyn looga hadlay dadka faraha badan ee kusoo barakacay, kuwaas oo aan awood badan laheyn & sidii dadkaasi loo taageeri lahaa.



Halqarannews@gmail.com





