Tuesday, April 21, 2026
28.7 C
Mogadishu

Waa kuma Ra’iisul Wasaaraha cusub ee magacaaban mudane Xamze Cabdi Barre?

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha 21aad ee JF Soomaaliya ayaa loo magacaabay mudane Xamse Cabdi Barre.

Xamze Cabdi Barre oo ka soo jeeda beesha Ogaadeen, ayaa waxa uu horey u ahaa xoghayaha guud ee xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sidoo kale soo noqday guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, markii dib loo dooranayey madaxweyne Axmed Madoobe.

Xamze Cabdi Barre ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee kasoo jeeda beesha Ogaadeen ee xilkan loo magacaabo, sidoo kalena waa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee aan qurbaha ka iman ee xilkan loo dhiibo.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee magacaaban, Mudane Xamze Cabdi Barre ayaa waxa uu Ku dhashay Kismaayo, 48 jir, Aabbe 8 caruur ah leh, waana xildhibaan Golaha Shacabka oo la soo doortay 28 December 2021, deegaan doorashada Kismaayo, Jubaland.

Waxbarashada: MBA in Management, International Islamic University of Malaysia (2009), BA in Management, University of Science and Technology in Yemen (2001)

Khibradda shaqada:

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland (2019-2020)

La Taliye Sare, Wasaaradda Dastuurka JFS (2015-2019)

La Taliye Arrimaha Maamulka, Gudoomiyaha Gobolka Benaadir (2014-2015)

Xoghayaha Xisbiga UPD (2011-2017)

Ka mid ah aasaasayaasha Jaamacadda Kismaayo, ka soo qabtay dhowr xil, sida Gudoomiye Ku Xigeenka Jaamacadda

Bare Sare, Jaamacadda Muqdisho

Xoghayaha Guud, Daladda Waxbarashada FPENS (2003-2004)

Geedisocodka siyaasadda dalka khibrad mug leh ayuu u leeyahay, waana ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee aan qurbaha ka iman ee xilkan loo dhiibo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...