Dhuusamareeb(Halqaran.com) –Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleed ka Galmudug garay wafdi ka socday hey’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan Caafimaadka Aduunka ee WHO oo u yimid indha-indheynta adeegyada Caafimaadka gaar ahaan ogaanshaha isbadalka uu sameeyay mashruuca Soler systemka ee hore looga hirgaliyay isbitaalka Xanaano, isla markaana loogu talagaley in loo adeegsado meshiinada niifta siiya bukaanada ku jira isbitaalkaasi.
Waxaa Kormeerkan ku wehlinayay Wafdiga WHO, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayay si gaar ay ugu indha-indheeyeen qaybaha isbitaalka Xanaano ee laga hirgaliyay Mashruuca Solar System-ka kaasi oo bukaano badan ka caawiyey in ay helaan oxygen kufilan, isla markaana suura-galiyey in adeegyada isbitaalku bixiyo noqdaan kuwo joogta ah oo badbaado u noqday bukaano badan.
Ugu dambeyn wefdiga ayaa waxaa la geeyay xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, halkaasi ayaa waxay kulan saacado qaatay la yeesheen wasiirka Caafimaadka Galmudug, Cabdiwali Cabdulahi Jaamac iyo madaxda Xafiisyada Wasaaradda oo goobta kusoo bandhigey warbixin dhameystiran oo ku saabsan xaalada guud ee caafimaadka Dowlad goboleedka Galmudug.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





