Ceelcade(Halqaran.com) –Wararka ka imaanayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeymo ka fuliyeen deegaano hoostaga gobolkaasi.
Degaanada la xaqiijiyay in ay duqeeymaha inta ugu badan ka dhaceen ayaa kala ah Ceelcade, Likooley, Busaar iyo Garsal Oo Ka tirsan Gobolka Gedo Ee Koonfurta Soomaaliya, kuwaa oo ay ku nool yihiin dad xoolo dhaqato ah,kuwaasi oo dhaliyay Khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Ilaa hadda inta la og yahay 10 qof ayaa ku dhimatay, Duqeynta xalay ilaa iyo Haatan Kenyatiga ay ka wadan Gobolka Gado, waxaa sidoo kale Jira dhawaac intaa ka badan iyo hanti badan oo ay duqeymaha ku baa’bi iyeen Ciidamadda Kenya.
Maamulka Gobolka Gedo iyo dowladda dhaxe ee Federaalka ah ee Soomaaliya ayaan weli ka hadlin duqeyntaas, hayeeshee waxaa ay kusoo aadeeysaa xilli dalka Soomaaliya loo doortay Madaxweyne Cusub, isla markaana xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu yahay mid wanaagsan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





