Londan(Halqaran.com) –Duullimaadyo la damacsanaa in lagu daad gureeyo qaxooti Britain ku sugan ee horay loogu heshiiyay in la geeyo dalka Rwanda ayaa la baajiyay kabib go’aan ka soo baxay Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha ee Europe.
Arrinkan ayaa qayb ka ahaa qorshe ay dawladda Britain horay u ansixisay si loo dhimo qulqulka muhaajiriinta ee dalkooda soo galaya.
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda UK ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka AP, in arrinkan ay soo faragalisay Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha ee Europe, ka hor inta aanay bilaaban daadgureeynta Muhaajiriinta ku sugan halkaas.
Maxakamaddaa sare ee xuquuqul insaanka uqaabilsan qaaradda Yurub ayaa sheegtay in dadka aan laqasbi Karin ilaa iyo inta maxkamadda sare ee ingiriiska ay dib u eegeyso go,aanka UK ee dadka looga saarayo dalkaasi.
Warka soo baxay saakay Wasaaradda arrimaha gudaha Britain ayaa lagu sheegay in ay aad uga xunyahiin in caqabada dhanka sharciga ah ay baajiyaan duulimaadyadii maanta la damacsanaa in tiro kamid ah Qaxootiga dalkooda ku sugan la geeyo Rwanda.
Sido kale Maxkamadda sare ee dalka Britain ayaa horay u taageertay qorshaha dowladda ee ah in dadka magangalyo doonka ah ee ku sugan UK, loo masaafuriyo Rwanda, iyadoo Qaramada Midoobay ay tallaabadan horay ugu digtay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com
Halqarannews@gmail.com





