Muqdisho (Halqaran.com)-Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxaa goordhow kasoo degay wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, isagoo ka mid ah wafuuda heerka caalami ah ee ka qeyb galeysa Munaasabadda Caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin uu ku jiro Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.


madax kale ayaa la filayaa inay soo gaareen magaalada Muqdisho kuwaas oo lagu casuumay munaasabadda caleema saarka Madaxweyne Xasan Shiikh, iyadoo garoonka diyaaradaha ay ku sugan yihiin Masuuliyiin kala duwan oo u diyaarsan soodhaweynta wafuuda.

Sido Kale Ra’iisul Waaaare Rooble ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo caleemosaarka madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada Xilgaarsiinta ayaa Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Mustafa Madbuuli oo ka mid ah madaxda caalamka ee ka qeyb galeysa caleemo-saarka Madaxweynaha JFS Xasan Sheikh Maxamuud.
Wufuud ka kala socota dalalka Caalamka iyo kuwa kale ayaa kusoo qul-qulaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaasi oo ka qeyb galaya Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta ka dhaceysa Muqdisho.


Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





