Muqdisho (Halqaran.com)- Waxaa goor dhow Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho kasoo degtay diyaarad sidday Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Shakhbout Bin Nahyaan iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Wafdigaan ayaa ka qeybgalaya caleemo-saarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayed Aala Nabyaan.
Saacado kadib ayaa waxaa la filayaa in sidoo kale Magaalada Muqdisho ay soo gaaraan Madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti iyo Kenya, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madax kala duwan, kuwaasi oo ka qeyb galaya Munaasabadda Caleema-saaka.




Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com
Halqarannews@gmail.com





