Thursday, July 16, 2026
26.2 C
Mogadishu

Howlgal qorsheysan oo lagu soo qabtay Xubno katrisan Al-shabaab.

Tooratoorow (Halqaran.com) –  Howgallo culus oo ay Fuliyeeen ciidamadda Kumaandooska ah  ee DANAB ayaa waxa uu ka dhacay  deegaanno  ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose Halkaasi oo ay  saldhigyo, ku lahaayeen Ururka Al-shabaab  waxaana ka soo baxaya faah faahinno  dheerad ah oo ku aaddan howgallada ay sameeyeen Ciidanka.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadda Kumaandooska ee DANAB ay howlgal  si gaar ah u qorsheysanaa ay  kafuliyeen deegaanada Tooratoorow iyo Caliyoow Baaroow.

Saraakiisha Ciidanka DANAB ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa burburin barkontarool oo ay ku lahaayeen degaannadaas Argagixisada Al-Shabaab, isla markaana dadka ay lacago uga qaadi jireen.

Ciidamada ayaa inta uu howlgalka socda gacanta ku soo dhigay lix xubnood oo katirsan Maleeshiyada Al-shabaab kuna sugnaa degaannada Tooratooro& Caliyoow Baarow islamarka ay ciidamadula waregeen Barta-koontarool oo ay lacagta baada ku qaadi jiren.

Saraakiisha Ciidamada DANAB  ayaa waxa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Dagaalamaysha Al-Shabaab si degaannada Gobolka Shabeellaha Hoose ay kaga sugan yihiin ay uga saaraan.

Ugu dambeyn Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada Danab ay dib ugu laabteen saldhigooda ku yaalla garoonka Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...