Thursday, April 30, 2026
30.9 C
Mogadishu

Turkiga oo Shuruud adag ku xirtay inay Sweden ku biirto NATO

Ankara (Halqaran.com) – Dawladda Turkiga ayaa ku celisay shuruudo adag oo ay ku xirtay inay oggolaato in Sweden ay ku biirto gaashaanbuurta NATO.

Xukumadda Ankara ayaa doonaysa in Stockholm ay u soo gacan geliso weriyayaal, xubno siyaasiyiin ah iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Kurdiyiinta, kuwaas oo ay dowladdu ku eedaynayso inay taageersanyihiin Jabhadda Kurdiyiinta oo uu Turkigu u arko koox argagixiso ah.

Dadka uu Turkigu doonayo in loo soo gacan geliyo waxaa ka mid ah, Amineh Kakabaveh, oo xubin ka ah baarlamanka Sweden.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...