Tuesday, April 21, 2026
28.4 C
Mogadishu

Howlgal lagu Soo qabqabtay Dhallinyara fara badan oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Muqdisho(Halqaran.com) – Ciidamada Booliska DFS ayaa xalay howlgal dad farabadan lagu soo qabqabtay ka sameeyay Xaafado katirsan degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo dadka kunool ay ka cabanayeen Kooxo Burcad ah oo dhac u geysanayay.

Howlgalka Ciidamada ayaa inta uu socday waxaa lagu soo qab-qabtay rag dhallinyaro ah oo mid haweeney ay tahay, isla markaana waxaa lagu qabtay xaafad ka tirsan degmada Yaaqshiid, kuwaasi oo la sheegay in xilligii lasoo qabanayey ay isticmaalayeen waxyaabaha maanka dooriya.

Taliye ku xigeenka qaybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Cali Dhuux Cabdi Mahad alla ayaa Warbaahinta u sheegay in koox dhalinyaro ah oo mid kamid ah ay tahay Haweeney oo baaris dheeraad ah lagu wado.

Waxa uu intaas ku daray in howlgalka inta uu socday lagula dagaalamayay Dhalinyarada loo yaqaan “Ciyaar weerarada” oo degmooyinkaas dhibaatooyin xooggan ka geysta, cabashadoodana la geeyay saldhigyada Booliiska.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in howlgankaan uusan aheyn kaliya mid billow ah, balse uu socon doono ilaa iyo inta laga xaqiininayo Amniga Guud ee degmooyinka Gobolka Banaadir.

Degmooyin katirsan Gobolka Banaadir waxaa ka dhaca falal amni darro, Kooxo burcad ah oo qaarkood gaadiid iyo mootooyin wata ayaa Dadka u badan Ardayda waxa ay ka qaataan Telefoonnada gacanta, Kumbiyuutarada iyo agabka kale ay wataan.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...