Monday, May 25, 2026
26.9 C
Mogadishu

Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay Degmada Afgooye

Afgooye (Halqaran.com) – Warar ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in barqadii Isniinta maanta ah uu gudaha degmadaasi ka dhacay qarax miino, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa lala beegsaday Guddoomiye kuxigeenkii hore Amniga Degmada Afgooye Xuseen Jibriil, xilli uu galayay gurigiisa oo kuyaalla wadada u dhaxeeysa Suuqa Jaadka & Saldhiga degmada Afgooye.

Warar ay helyso Halqaran News ayaa sheegaya in qaraxa uu ku dhaawacmeen Guddoomiye ku-xigeenkii hore Amniga Degmada Afgooye Xuseen Jibriil iyo Wiil Dhalinyaro ah oo la socday, kuwaas oo dhaawacooda la geeyay Isbitaalka degmada Afgooye.

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa tagay halka uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo sameeyay baaritaanno la xiriira inay soo qabtaan dadkii ka dambeeyay qaraxaas wallow aysan ku guuleysan.

Si kastaba, qaraxani ayaa ku soo beegmaya, xilli xalay Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidamada dowladda ku leeyihiin degmadaasi Afgooye ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...