Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Maaliyadda XF Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo wareysi kooban siiyay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in uu furmayo kabka miisaaniyada ee dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ay siiyaan dowlada oo in mudo ah go’naa kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kulamo la qaatay madaxda hay’adaha dhaqaalaha aduunka.
Wada shaqeyn wanaagsan oo ka dhaxeysa Dowladda Federaalka, Banka Aduunka iyo Hay’adda IMF ayaa suurta-gelinaya in ay soo daayaan wixii loo baahnaa ee markii hore la hakiyay.
“Kabka miisaaniyaddu waa furmayaa, waa loogu talagalay wax dhibaato ah iminka inaga soo gaarayana ma jiraan, kaliya waxaa dhiman in la bilaabo oo meeshooda la geeyo, arrintaas ayaa bilaabatay,” ayuu yiri Wasiir Beyle.
Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, madaxda wasaaradda maaliyadda iyo hay’adaha dhaqaalaha aduunka ayaa ka wada hadlay howlaha dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo taageerada Bankiga ee Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





