Tuesday, May 12, 2026
29.9 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Mukhtaar Roobow oo markii ugu horreysay ka soo muuqday Baraha Bulshada & sii-deyntiisa oo…

Muqdisho (Halqaran.com) – Mukhtaar Roobow Cali oo muddo ku dhow Afar sano ah xabsi guri ugu jira dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay tan iyo markii la la xiray December 2018-kii ka soo muuqday warbaahinta iyo baraha Bulshada.

Roobow waxaa Jimcihii shalay u tegay markii ugu horreysay siyaayisiin ka soo jeeda Koonfur, waxaana ka mid ahaa Siyaasi Yuusuf Xasan Mursal.

Arrintaan ayaa timid, kaddib markii uu dalka Soomaaliya uu galay isbeddel siyaasadeed oo cusub, isla markaana ay meesha ka baxday dowladdii soo xirtay Mukhtaar Roobow ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mukhtaar Roobow oo mar ahaa ku-xigeenka hoggaamiyaha Ururka Al-Shabaab ka horta inta aanu DF Soomaaliya isku soo dhiibin ayaa u muuqda mid caafimaadkiisu aad u fiican yahay.

Roobow ayaa December 2018 laga soo xiray magaalada Baydhabo, isagoo ahaa musharrax u taagan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Xarrigiisa ayaa loo aaneynayaa inuu salka ku hayo arrimo siyaasadeed oo looga hortagayay inuu ka qeyb galo tartanka doorashada Koonfur Galbeed.

Yuusuf Xasan Mursal oo ka mid ah Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed oo booqday Mukhtaar Roobow ayaa faah-faahin ka bixiyay mar uu wareysi siiyay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, waxyaabaha uu soo arkay iyo daddaalka loogu jiro sii deynta Roobow.

Halka hoose ka dhageyso Wareysiga Yuusuf Xasan Mursal oo dhammeystiran:


Xafiiska Wararka Halqaran.com

Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...