Wednesday, April 22, 2026
28.6 C
Mogadishu

Xasan Sheekh oo markale loo doortay madaxweynaha cusub ee Somaliya

Muqdisho (Halqaran.com) –Madaxweynaha cusub ee Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saqdii dhexe ee xalay xilka loo dhaariyay, ka dib markii dib loogu doortay inuu dalka hoggaamiyo, afar sano oo kale.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka, Baashe Yuusuf Axmed ayaa Madaxweynaha ku dhaariyay Teendhada Afisyooni, wax yar uun ka dib, markii lagu dhawaaqay inuu xilka madaxtinimada ku guuleystay.

Madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhammaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xasan Sheekh Maxamuud ugu hambalyeeyay guushiisa.

Farmaajo ayaa madal ay fadhiyeen Taliye-yaasha Ciidamada Dowladda ka sheegay inuu Madaxweynaha cusub u rajeynayo in Alle kula garab galo waajibaadka loo igmaday.

Xasan Sheekh oo horey u soo noqday Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa mar kale dalka hoggaamin doono, dhowrka sano ee soo socda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...