Friday, May 15, 2026
29.9 C
Mogadishu

Wariye Ka Tirsan Telefashinka Caalamiga ah ee Aljazeera Oo Maanta Toogasho lagu dilay..

Jenin Halqaran.com) – Wariye ka tirsan Aljazeera ayaa lagu dilay rasaas ay ciidamada Israa’iil ku fureen maanta oo Arbaca ah dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, sida uu sheegay Telefishinka laga leeyahay Qadar, balse militariga ayaa sheegay in laga yaabo in ay toogteen dad Falastiiniyin ah oo ay isku dhaceen ciidankeeda.

 

Mid ka mid ah saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in Shireen Abu Akleh ay “dileen” ciidamada Israa’iil xilli ay ka warbixineysay weerar ka dhacay magaalada Jenin, oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay kordheen weerarada ay ciidamadu geysanayaan.

 

Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa xaqiijisay geerida Abu Akleh, waxayna sidoo kale sheegtay in weriye labaad oo lagu magacaabo Ali Samodi isna la dhaawacay.

 

War qoraal ah oo uu soo saaray militariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in ciidamadooda ay rasaas ku fureen kadib markii ay “rasaas xoog leh” kala kulmeen Jenin, waxayna intaas ku dareen ‘inay ay suurta gal tahay, in suxufiyaddan ay ku dhimatay rasaas ay soo fureen falastiiniyiintu’, laakiin hadda uu socdo baaritaanka dhacdan

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...