Friday, May 15, 2026
29.9 C
Mogadishu

Qarax Aad u xoogan Oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho Halqaran.com) – Faah faahin ayaa kasoo baxeysa qarax xoogan oo oo Ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhexeeysa Hotel Afrik iyo Bar Koontarool oo Ciidanka amniga dowladda ku leeyihiin wadada aadan Garoonka Aadan Cadde.

Qaraxa oo ahaa mid jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, isla markaana isku dhex qarxiyey gaadiid taagnaa Barta Koontarool ee laga ilaaliyo wadada aadan Garoonka, aadna ugu dhow Isgoyska KM-4 ee Magaalada Muqdisho.

 

Xilliga qaraxa dhacayay Waxaa Barta Koontarool ka ku sugaa  gaari uu saarnaa Taliyiha Saadka ee Ciidanka xoogga dalka Janeraal Garabey, Wasiirka Haweenka Xaniifo Xaabsade iyo gudoomiyaha degmada Warta-Nabadda Saynab Xaabsey iyo masuuliyiin kale.

Ilaa iyo hada waxaa  la xaqiijiyay  in qaraxa ay w ku dhinteen ilaa Afar Ruux oo laba askar yihiin, qof Shacab ah iyo Ninkii naftiisa haligay walow khasaaraha intaasi uu kasii badan karo maadaama dhaawacyo qaarkood culus yihiin la geeyay Isbitaallada.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...