Muqdisho Halqaran.com) – Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Maanta kulan Xasaasi ku yeeshay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Labadan Masuul ayaa kulankooda waxa ay uga wada hadleen Arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Iskaashiga ka dhexeeya labada maamul ee Galmudug iyo Jubaland.
Dinaca kale waxaa ay ka wada hadleen doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee 15-ka bishaan May ka dhaceysa Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne ku-xigeenada dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan iyo Cali Daahir Ciid ayaa maalmo kahor yimid Muqdisho, iyagoona u soo gaaray ka qeyb galka doorashada Madaxweynaha dowladda Federaalka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com