Saturday, April 18, 2026
29.4 C
Mogadishu

Diiwaan-gelinta Musharraxiinta Xilka Madaxweynaha oo maanta billaabatay

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga isku-dhafka ah ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Axadda maanta ah Xarunta Aqalka Sare ka bilaabay diiwaan-gelinta musharraxiinta Madaxweynaha 10aad ee JFS.

Guddiga ayaa diiwaan-geliyay musharraxii ugu horreeyay oo noqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, isaga oo buuxiyay shuruudaha musharraxnimo, isla markaana uu qaatay Shahaadada musharraxnimo.

Sheekh Shariif ayaa u mahadceliyay Guddiga doorashooyinka isku dhafka ee labada Aqal ee BF Soomaaliya, isagoona boggaadiyay dardar-gelinta howsha socota ee doorashada Madaxweynaha dalka.

“Waxaan maanta isku diiwaan galiyay si rasmi ah musharraxnimada Madaxweynaha 10-aad ee JF Soomaaliya. 15 May, 2022 waa maalin taariikhi ah, Baarlaamanka Soomaaliya waxa ay go’aan ka gaarayaan masiirka ummadda, waxaana rajeynaynaa in ay u hiiliyaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed kana samata-bixiyaan marxaladdan adag” ayuu yiri Sheekh Shariif Sh Axmed oo ka hadlaayay shahaadada uu qaatay.

Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha ayaa diiwaan-gelinta musharraxiinta Madaxweynaha wadi doona ilaa 10-ka Bishaan, waxaana jira musharraxiin farabadan oo dalka dibaddiisa ku maqan.

Si kastaba, musharraxiin farabadan ayaa kusii qul qulaya xarunta Aqalka Sare, si ay isku diiwaangeliyaan, waxaana Musharrax madaxweyne kasta uu isku diiwaangelinayaa lacag dhan 40,000 oo Dollar.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...