Wednesday, April 22, 2026
29.9 C
Mogadishu

Shariif Sheekh Axmed oo la siiyay Shahaadada Xildhibaannimo

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa Khamiista maanta ah shahaadada Xildhibaanimo Golaha Shacabka siiyay Sheekh Shariif Sh Axmed oo dhawaan ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay #HOP146, kaasi oo doorashadiisa ka dhacday Magaalada Jowhar.

Xildhibaan Sheekh Shariif ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe, maamulkiisa iyo Guddiga doorashooyinka heer gobol sida ay suura-geliyeen qabsoomida doorashada nabad ah oo daah furan.

Sheekh Shariif, madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in si nabad ah ku qabsoomi doonto doorashada Madaxweynaha JF Soomaaliya oo maalmaha soo socda ka dhaceysa Muqdisho.

“Waxaan maanta guddiga doorashooyinka heer federaal ka guddoomay shahaadada xildhibaanimo ee Golaha Shacabka BJFS kursiga tirsigiisu yahay #HOP146 waxaan u mahad celinayaa Bulshada leh kursiga oo ii gartay in aan ku matalo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Waxaan sidoo kale u mahad celinayaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe, maamulkiisa iyo Guddiga doorashooyinka heer gobol oo suura galiyay qabsoomida doorashada si nabad ah oo daah furan” ayuu yiri Shariif.

Ugu dambeyn, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa dhawaan ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay #HOP146, kadib doorasho ka dhacday Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, ahna Caasimadda Maamulka Hirshabeelle.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...