Thursday, May 28, 2026
26.9 C
Mogadishu

Daawo sida looga Ciiday Deegaanka Daarusalaam ee Magaalada Muqdisho + SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) – Kumanaan dadweyna ah oo isugu jira carruur iyo ciroole ayaa ku kalahay deegaanka dalxiiska ee Daarusalaam, kuwaasoo ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo dadka degan deegaanka, waxayna isugu taggeen masalaha weyn ee loo diyaariyay inay ku oogaan salaada ciidul fidriga islamarkaana ay ku dalxiisaan beerta ugu weyn muqfisho ee daaru salaam.

Markii ay soo idlaatay salaadii ciida ayaa dad aad ufara badan waxa ay u jiheesteen beerta dalxiiska ee Daarusalaam oo lagu diyaariyay dhamaan agabka lagu ciyaarsiiyo caruurta iyo goobo dalxiisayaasha indhahooda soo jiidasho u leh.

Deegaanka Daarusalaam ayaa ah deegaanka ugu bilicda wanaagsan degmooyinka Caasimadda Muqdisho, iyadoo sanadihii ugu dambeeyayna ay aad u dhismeysay.

Maamulka Beerta Daarusalaam ayaa sanadkaan kusoo kordhiyay agabyo kala duwan kuwaasoo loogu tala galay inay dadka ku damaashaadaan.

Dadweynaha reer Muqdisho ayaa kuu sheegaya in ubadkooda ay farxadda ciidda dareemaan, marka ay waqti ku qaadanayaan Beerta Daarusalaam.

Ciidul Fitriga oo ah Ciidda Kowbaad ee Labada Ciidood ee Islaamka uu leeyahay ayaa si weyn looga dabaaldeggaa dunida, gaar ahaan wadamada Islaamka, Somaliyana waxay safka hore kaga jirtaa dalalka ay dadkoodu muujiyaan/weyneeyaan farxadda maalmahaasi.

Ummadda Muslimiinta ayaa isugu hambalyeeya Munaasabadaha Ciidaha, iyadoona ay dadku isu rajeeyaan in sanadka kan xiggaa uu Alle ku gaarsiiyo cimri, caafimaad, cibaado suuban iyo nabad & caano.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...