Sunday, May 31, 2026
26.9 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Sida ciidamada AMISOM loogu soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb, Yaase soo dhaweeyay?

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi lagu soo dhaweeyay Ciidamada Amisom.

Ciidankaan ayaa xalay ku hooyday inta u dhaxeysa Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyadoo saaka lagu soo dhaweeyay Banaanka Magaalada Dhuusamareeb.

Guddoomiyaha Degamada Dhuusamareeb Macalin Nuur Cilmi Cabdulle oo ugu horayn soo dhaweeyay Ciidamada  Amisom ayaa sheegay in aysan jirin  baahi amni balse Ciidanka loo dalbay in ay qayb ka qaataan Xoraynta deegaanada Maamulka Galmudug ee Al shabaab Maamulaan.

Soo dhaweynta Ciidankaan waxaa kale oo ka qayb qaatay Senator Jawaahir oo ka mid ah Xubnaha Aqalka Sare ee kasoo jeeda Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada Amisom ayaa fariisimo cusub waxa ay ka sameysan doonaan Magaalada Dhuusamareeb gudaheeda si qayb uga qaataan suggida ammaanka Magaaladaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay la wareegitaanka Magaalada Dhuusmareeb, kadib markii xubnihii Ahlu Sunna heshiisyo lala galay.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...