Muqdisho (Halqaran.com)- Allaha u naxariistee waxaa xalay degmada Kaaraan gaar ahaan Mowlaca Sheekh Muxyaddiin Celi ku geeriyooday Sheekh Shariif Sheekh Muxyaddiin Celi oo kamid ahaa mashaa’iqda sida siweyn loo yaqaano guud ahaan Soomaaliya.
Sheekha ayaa waxaa uu ahaa caalim lagu yaqaanay faafinta Diinta, sidoo kalena waxaa uu mar soo noqday xilligii sagaashameyadii Guddoomiyihii guud ee hirgelinta Shareecada Islaamka ee Waqooyiga Muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celi, oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celi. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa tiirarka Culimada Soomaaliyeed ee wakhtigooda iyo noloshoodaba u hibeeyey faafinta diinta, baraarujinta iyo wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed.
Sido kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Cali.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray wuxuu Alle uga baryay inuu Janadii ka waraabiyo eheladii, asxaabtii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.
“Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyska iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celi oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxa uu ka mid ahaa culumaa’udiinka iyo culumaa’udiinka dalka ee kaalin weyn ka qaatay fidinta diinta Islaamka, nabadda iyo wacyigelinta. Waxaan Alle uga baryayaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo” ayuu yiri Rooble.
Sheekh Shariif Sh. Muxyaddiin Celi ayaa da’diisu aheyd 88 sanno, isagoo dhashay sanadkii 1934. Allaha u naxariisto Sheekha ayaa ahaa hoggaamiyaha Jameecada Sheekh Muxyaddiin Celi ee duruqu Suufiya ee Al-qaadiriya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com





