Tuesday, May 26, 2026
28.1 C
Mogadishu

Maxay ka wada hadleen Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya & Shiinaha (AKHRISO).

Muqdisho (Halqaran.com)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, oo ka qayb galaya meertada 48-aad ee Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Dalka Shiinaha Mudane Wangi Yi.

 

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, iyo sidii Labada dal ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, bini-aadannimada, horumarinta, ganacsiga,  kalluumaysiga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka.

 

Wasiir Cabdisaciid ayaa la wadaagay dhiggiisa Shiinaha tacsi ku aaddan dhibbaneyaashii ay waxyeelladu ka soo gaartay diyaaraddii ku burburtay dalka Shiinaha, isaga oo sidoo kale uga mahad celiyey dowladda Shiinaha doorka ay ka qaateen gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

 

Ugu dambayn, Labada Wasiir ayaa hoosta ka xarriiqay ka miro-dhalinta xiriirka soojireenka ah ee ku qotomo ixtiraamka madaxbannaanida dhuleed, siyaasadeed iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, waxayna ku heshiiyeen in ay si dhow isaga kaashadaan xoojinta iyo ilaalinta xeerarka iyo mabaadi’da caalamiga ah.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...