Friday, August 28, 2026
25.9 C
Mogadishu

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ” NISA Waxay Hormuud Ayey u Noqotay Cabsi Galin Madaxda Qaranka “

Muqdisho (Halqaran.com)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ay tahay ayaandarro weyn in Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonlka Qaranka ay dacaayad u sameyso kooxda Al-shabaab waa sida uu hadalka uu dhiagayee.

 

 

Iyadoo Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ay soo saartay digiin culus oo ku aaddan in Al-Shabaab ay diyaariyeen qorshe lagu qaarijin rabo Ra’iisul wasaare Rooble iyo Madaxweyne farmaajo ayaa waxaa arrintaasi war kasoo saaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax madaxweyne Shariif Sheikh Axmed.

 

 

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka ayuu ku yiri “Waa ayaan darro aad uweyn in hey’adii loo igmadey Amniga Qaranka dalka in ay dacaayad u sameeyneyso kooxaha argagixisada hormuudna u noqotey cabsigelinta madaxda qaranka, waxay calaamad weyn u tahay digniino muddo la bixinaynay oo ah isku milanka hay’adda Nabadsugidda qaranka iyo kooxda Argagixisada taasoo ka dhalatay siyaasadeynta qaybaha kala duwan ee ciidanka amniga Qaran.”

 

 

Dhanka kale Sahriif ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Golahiisa Wasiirada in ay qaataan Mas’uuliyaddooda Amniga Sidaas daraadeed axaan ugu baaqayaa Raysul Wasaaraha JFS iyo Golahiisa wasiiradda  in ay qaataan masuuliyadooda ku aadan arrimaha Amniga Dalka kana hortagaan wax kasta oo khalkhal gelin kara amniga Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed”.

 

 

“Waxaa nasiib daro weyn ah in digniinta hay’adda NISA lagusoo beegay xilli ay habsami u socoto shahaadasiinta xildhibaanada barlamaanka 11 iyo dhaarinta xildhibaanada oo loo madlanyahay 14 bishan”.

 

 

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa uga digay Madaxweynaha Muddox xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in ay hoos yimaadaan wax walba oo oo khalkhal galin kara geedi socodka doorashada “waxaan uga digayaa Mdaxweynaha JFS iyo hay’adaha amniga ee hoos yimaada wax waliba oo khalkhal gelinkara geedisocodka doorashada dalka”. Ayuu ku yiri qoraalka.

 

 

 

Hadalka Shariif ayaa ku soo beegmaya xilli Hay’adda NISA ay soo shaacisay farriin digniin ah oo aheyd in uu Amniga Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...