Muqdisho (Halqaran.com)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadaa Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka ee C6+ oo ay ka wada hadleen dhammeystirka doorashooyinka Golaha Shacabka gaar ahaan Dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabeelle iyo hirgalinta jadwalka dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale wakiillada beesha caalamka kala hadlay xaaladda abaaraha ba’an ee dalka ka jira iyo sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa ay cadaadis ku saarayaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida sidii loo dhameystiri lahaa doorashada Golaha Shacabka si loogu gudbo doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo tan iyo Madaxweynaha
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com





