Muqdisho (Halqaran.com)- Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku qaabilay Xafiiskiisa Ergayga gaarka ah ee Dowladda China u qaabilsan Geeska Afrika Xue Bing.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo kaalinta dowladda China ee gurmadka abaaraha ka jira dalka, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda.
Rooble ayaa sidoo kale ka codsaday Shiinaha inuu kaalin ka geysto abaaraha saameeyey dalka, gurmad deg deg ahna ay gaarsiiyaan dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka.
Safarka uu Ergeyga cusub ee dowladda Shiinaha usoo magacowday geeska Afrika ku yimid Soomaaliya ayaa qeyb ka ah socdaal uu ku tegi doona toddobaadkan gudihiisa Waddamo ka tirsan gobolka.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wada kulamo uu la yeelanayo madaxda Beesha Caalamka, asiga oo baaq u diray sidii ay gurmad uga qeyb qaadan lahaayeen Gurmadka loo fidinayo dadka aya baartu saameysa.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com





