Tuesday, May 26, 2026
27.8 C
Mogadishu

Koonfur Galbeed oo Shaacisay inay soo gabagabeysay doorashada Golaha Shacabka .

Baydhabo (Halqaran.com)- Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Koofur Galbeed ayaa maanta Magaalada Baydhabo ku qabtay Doorashada 7 kursi oo ah Xidhibaannad ugu dambeeya ee Dowlad-Goboleedkaas ku harsan.

 

1: HOP#047 ayaa waxaa ku guuleysatay Xaawo Sokor Cali ayada oo heshay 79 cod halka Faadumo Maxamed Isaaq oo la tartantay ay heshay 18 cod, sida uu sheegay SETI Koofur Galbeed. Kursigaan waxaa ku fadhisay Baarlamaankii 10aad Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Xuquuqul-Insaanka XFS Haniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade.

 

 2: HOP#172, waxaa ku soo baxay Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan. Kursigaan waxaa ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad Cali Caddow Maxamed.

 

 3: HOP#164 waxaa ku soo baxay Maxamed Abuukar Cabdi oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha DG Koofur Galbeed. kursigaan waxaa Baarlamaanka 10aad ee JFS ku fadhiyay Xildhibaan Maxamed Isaaq Cismaan Fanax.

 

 

 4: HOP#197, waxaa ku guuleystay Cumar Cali Isaaq (Balash) oo ah Guddoomiyaha Gobolka Baay. Kursigaan waxaa ku fadhiyay Baarlamaanka 10aad  Xildhibaan Cabdifitaax Maxamed Ibraahim.

 

5: HOP#204, waxaa  ku soo baxay Isaag Cali Subag oo ah Wasiirka Amniga DG Koofur Galbeed. Kursigaan waxaa ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad Macalin Cali Aadan.

 

 

6: HOP#181, waxaa markale loo doortay Maryan Macalin Isaag oo ku fadhisay Baarlamaankii 10aad, sida uu ku dhawaaqay SEIT KGS.

 

 

7: HOP#179 waxaa ku soo baxay Maxamed Keerow Maxamed, sida uu ku dhawaaqay SEIT KGS. Kursigaan waxaa ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad Maxamed Axmed Maxamed.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...