Friday, April 17, 2026
27.8 C
Mogadishu

SEIT Jubbaland oo Qabatay shan korsi oo ka mid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya (AkHRISO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Magaalada Kismaayo xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland waxaa maanta lagu doortay 5 kursi oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda federalka ah  ee Soomaaliya, kuwaas oo horay loo  shaaciyey.

 

1: Hop#072 ayaa waxaa ku tartamay Cabdirashiid Maxamed Xidig oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay iyo Cabdisamad Maxamed Cabdullaahi, balse waxaa markale ku guuleystay Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig,oo  helay 75 Cod halka musharrixii la tartamay ee Cabdisamad Maxamed Cabdullaahi uu helay 18, waxaana halaabay laba Cod.

 

2: Hop#130 waxaa horay ugu fadhiyay Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Gamacsiga Maxamed Diiriye Khaliif (Shaakuut) ayaa waxaa ku tartamay  Mowliid Cabdi Maxamuud iyo musharax Haboon Xasan Tifow, waxaana kursiga ku guuleystay Mowliid Cabdi Maxamuud.

 

3: Hop#079  waxaa horey ugu fadhisay Farxiyo Xasan Axmed ayaa waxaa Maanta ku guuleystay Maxamuud Muxumed Cumar ( kuulow) oo helay codod gaaraya 74 halka Bashiir Nuur Dhuumaal oo la tartamay uu  helay 21 Cod, waxaana halaabay laba cod.

 

4: Hop#112 waxaa horay ugu fadhiyay Cabdi Casiis Cabdullaahi Maxamed Xukun ayaa waxaa Maanta ku tartamay Da’uud Cismaan Cali iyo Cabdiqaadir Maxamed Waceys, waxaana kursiga ku guuleystay Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Waceys.

 

5: HOP#136 korsigaan waxaa  ka geeriyooday Maxamed Cabdi Gaandi  asna  waxaa ku guuleystay Cumar Yuusuf Qalaadiid oo helay 82 Cod halka musharrixii la tartamay ee Cabdifitaax Cumar Macalin  uu helay 17 cod.

 

 

Doorashada Kuraasta maanta magaalada ee  Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland  lagu doortay ayaa waxaa ay qayb kayihiin golaha shabaka Baarlamanka11-aad ee Jamhuriayadda federalka ah ee Soomaliya, kuwaas oo la gudogalay maalmihii ugu damabaysay dooshadooda waxaa 3 cisho oo quray ay ka hartay malaintii loo asteen gabagaba ee 25-ka bisha.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...