Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf ayaa sheegay in howlaha doorashooyinka Golaha Shacabka intooda badan ay qabsoomeen, sidoo kalena inta hadda ka harsan ay si xowli ah ku socdaan dhawaana ay soo dhamaan doonaan.
Guddoomiye Guddiga oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la hakiyay ku dhawaaqista Natiijada saddex kursi oo ka mid kuraasta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas oo la qabtay doorashadooda ayada oo ka kala dhaceyn doorashooyinkooda Magaalooyinka Baydhabo & Baladweyne.
Saddex kursi ee Guddiga Doorashooyinka heer federaal ay hakiyeen waxaa ay kala yihiin , HOP154 oo loo doortay Sareedo Maxamed Cabdalla, HOP103 oo ah kursigii uu ku fadhiyay Maxamed Cismaan Jawaari iyo HOP086 oo ahaa kursigii uu shalay ku soo baxay Fahad Yaasiin.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Dalka ayaa sheegay in kuraastan la hakiyay aan loo marin habraacyadii lagu heshiiyey,isla markaana ay ka imaadeen cabashooyin fara badan.
Doorashada Golaha Shacabka ayaa illaa hadda la doortay 165 kursi waxaa harsan illaa 110 kursi oo dhiganta in doorashada 40% ay dhimantahay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com





