Muqdisho (Halqaran.com) – Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle ayaa ka bilaabatay doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kursigii ugu horreeyay ee lagu doorto Magaalada Beledweyne ayaa waxaa uu noqday kursiga Hop#086 kaas oo uu ku guuleystay la taliyaha dhinaca amniga Qaranka ee Madax weyne Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Taliyihii Hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ku Guuleystay Korsigan ayaa waxa uu helay 70 cod, halka musharixii la tartamayey uu helay 24 cod, sidoo kale waxaa hallaabay 3 cod.
Sido kale Kurigan uu Maanta ku guuleystay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxaa horay ugu fadhiyay Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa waxaa uu noqday kursiga ugu saameynta badan doorashooyinkii ka dhacay dalka.
Fahad Yaasiin ayaa ku biiraya saraakiisha ku soo guulestay Doorashada Baarlamaanka 11aad in ay ka mid noqdaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Saraakiishii ay iskala soo shaqeeyeen hayada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.
Waxaa ka mid ah Saraakiishaasi Agaasimaha Ku meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Fareey iyo Kulane Jiis oo ah saraakiisha ugu awooda badan Hayada Sirdoonka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com





