Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisalwasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaci-darro ku tilmamay heshiis la sheegay inuu ku saabsanaa Shidaalka dowladda federalka Soomaaliya ay la gashay shirkadda lagu magacaabo Coastline.
Wasiir C/raahiid Maxamed Axmed ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyay inay la saxiixdeen Shirkadda Coastline Exploration LTD (Ex SOMA OIL) 7 xirmood oo shidaalka ah, isla markaana uu garab ku siiyay Madaxweyne Farmaajo.
“Heshiiska la sheegay in Wasiirka Batroolku uu saxiixay ee la xiriira arrimaha Shidaalka Soomaaliya waa mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo shirci ah sidaas darteed waxba kama jiraan” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Rooble xafiiskiisa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay inuu qaadi doonaa tallaabooyin sharci ah oo looga jawaabayo falkaas xadgudubka ku ah hantida Qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda si loo ilaaliyo amaanada Ummadda Soomaaliyeed.
Heshiiska Shidaalka ayaa waxaa lasheegay in dowladda Soomaaliya ay la gashay shirkadda inuu ku qornaa ilaa 7 xirmo, waxaana dowladda Soomaaliya u saxiixay wasiirka Batroolka iyo Macdanta xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya, kaas oo la sheegay inuu isagu saxiixay heshiiska Shidaalka 7 xirmo ee dowladdu la gashay shirkadda Sahminta Coastline.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com





