Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Golaha Xukuumada Hirshabeelle, kaas oo ka qabsoomay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Shirka Golaha Xukuumada ayaa sidoo kale looga hadlay abaaraha ka jira deegaanada Hirshabeelle, iyadoo Goluhu la wadaagay Madaxweynaha baaxada ay gaarsiisan tahay abaarta xiligaan ka jirta Gobolka Hiiraan, waxaana ay tilmaameen in deegaano badan ay ka jirto biyo la’aan daran.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa Wasiirada Wasaaradaha Maaliyada, Dib u Heshiisinta, biyaha, Howlaha guud iyo shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Maamulka Hirshabeele ka dhageystay Mashaariicda taagan xiligaan ee u baahan in deg deg loo fuliyo.
Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa sheegay inay xiligaan ay jirto abaar xoogan, deegaanada qaarna looga barakacay biyo la’aan, waxa uuna tilmaamay in deegaanada abaarta ka jirto la gaarsiin doono biyo dhaamin iyo gargaar deg deg ah.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com
Halarannews@gmail.com





