Tuesday, May 26, 2026
28.1 C
Mogadishu

Wasiir Xaniifa Xaabsade oo tababar ku saabsan Haweenka iyo nabadda ka furtay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS xildhibaan, Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade  ayaa maanta u furtay tababar agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha haweenka dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka  Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir.

 

Waxa uu ku saabsanyahay Tababarkan  soo bandhigista waxyaabaha hor tebinta u leh barnaamijka Haweenka iyo nabadda ee ay wasaaradda Haweenka ee dowladda federaalka Soomaaliya ay waddo.

 

Wasiir Xaniifa Maxamed  oo ka hadashay  furitaanka tababarka ayaa sheegtay in ay rajo weyn ka qabto in gunaanadka tababarkan ay ka soo bixi doonaan warbixinno  muhiim ah, kuwaas oo  wax weyn ka baddali doona hanaan ka iyo  habsami u socodka barnaamijka Haweenka iyo nabadda ee Dalka.

 

Ugu dambeyn Tababarkan ayaa waxaa  lagu wadaaa oo loo qorsheeyay  in uu socdo muddo labo maalin ah,tababarkaan waxaa ka horeeyay mid kale oo  ay yeesheen guddiga farsamada barnaamijka Haweenka iyo nabadda.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...