Baledweyne (Halqaran.com) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Ku Xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta kulan balaaran la qaatay Nabadoonada iyo Waxgaradka mid ka mid ah beelaha dega Gobolka Hiiraan, ee tabashada ka qabay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka ayaa heshiis rasmi ah ka gaaray tabashii ay ka qabeen iyagoona ku balamay in maanta wixii ka dambeeyo laga shaqeeyo midnimada iyo wadajir Dowladnimada.
Muddo ka badan Sanad iyo bar ayay kasoo horjeedeen Madaxweynaha Hir-Shabeelle in uu tago Beledweyne, hayeeshee ugu dambeyn uu maalin ka hor ayuu tagay Magaalada Baledweyne.
Halarannews@gmail.com





