Tuesday, May 26, 2026
27.8 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo oo uu magaalada Addis Ababa kaga qayb galay Shirmadexeedka 35-aad ee Midowga Afrika.

 

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Itoobiya oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga Labada Dowladood ee dhinacyada amniga, ganacsiga, dhaqaalaha, deris wanaagga iyo horumarka iyo xaaladda guud ee Gobolka Geeska Afrika.

 

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah madaxdii ka soo qayb gashay Shirweynaha, oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyneyaasha dalalka Saambiya Mudane Hakainde Hichilema iyo Gaana Mudane Nana Akufo-Addo, oo ay ka wada hadleen xoojinka iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya iyo wax wada qabsiga dowladaha Qaaradda Afrika.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...