Saturday, July 18, 2026
25.2 C
Mogadishu

RW Rooble Oo Imaaraadka Kula Kulmay hay’adda Samafalka Bisha Cas iyo kuwa Kale.

Abu dhabi(Halqaran.com) –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen ayaa weli booqasho rasmi ah ku jooga Magaalada Abu dhabi ee Caasimadda dalka Imaaraadka Carabta, isagoona halkaasi ka wada kulamo kala duwan.

 

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Abu Dhabi kula kulmay hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta iyo hay’adaha samafalka ee dalkaas oo uu kala hadlay sidii gargaar deg deg ah loola soo gaari lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

 

Saraakiisha Hay’adaha uu la kulmay ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in gurmad deg deg ah ay la soo gaaraan Bulshada Soomaaliyeed, iyaga oo kaashana dowlada Imaaraadka Carabta.

 

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay Dhaxal sugaha Abu Dhabi Sheekh Maxamed Bin Zaayid Ala Nahyaan doorka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, gaar ahaan gurmadkii ay la soo gaareen Shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

 

 

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha  ayaa waxa kamid ah Wasiirada waxbarashada, Amniga iyo xubno kale, ayaa waxaa ay sii wadi doonaan kulamo kala duwan oo ay la qaadanayaan Madaxda dowlada Imaaraadka Carabta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...