Sunday, July 19, 2026
25.2 C
Mogadishu

RW Rooble oo la kulmay Madaxda Isutagga Imaaraadka Carabta (Maxayse ka wada hadleen?)

Dubai(Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Dubai kula kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Isutagga Imaaraadka Carabta ahna Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Mudane Maxamed Bin Rashid Ala-Maktoum.

 

Labada Masuul  ayaa kulan kooda  waxa ay diiradda ku saareen  xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha , dhoofka xoolaha Soomaalida ee loo iib geeyo dalka Imaaraadka Carabta.

Waxaa ay sido kale isla soo hadal qaadeen sida loogu fududeyn lahaa  Dal-kugalka (Fiisooyinka) Soomaalida u safarta dalka Imaaraadka Carabta.

RW Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Dubai 30 Janaayo 2022, waana safarkii ugu horreeyay uu qof masuul uu heerkiisa sareeyo uu ku tagay Dalka Imaaraadka tan iyo 2018 oo markaas ugu dambeesay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ka gadaal markii uu xumaaday xiriirka labada dal.

Sido kale Ra’iisul Wasaaraha waxa Safarkiisa ku wehliya  Wasiiradda kala ah  Waxbarashada,Dastuurka iyo Amniga.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...