Qardho(Halqaran.com) – Wararka ka imaaanaya Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka karkaar ee Maamuka Puntland ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay 13 askari oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland.
Eedeymaha loo jeedinayo Ciidan kaan aya waxaa ka mid ah, isku day ay doonayeen inay xoog kula baxaan hub ku xaraysan xerada Tababarka Ciidamada Xorgoble ee Magaalada Qardho.
Saraakiisha Ciidanka Booliska ayaa laga soo xigtay in inta aan la xirin Askarta uu iska horimaad kooban dhexmaray Askarta la qabtay iyo Ciidanka Booliska, in kastoo aan wax khasaaro ka dhalan Israsaaseyntii dhacday.
Sido kale Saraakiisha ayaa sheegtay in Askarta lagu eedeeyay inay hubka la bixi rabeen ay gaarayaan 20 Askari 13 kamid ah gacanta ku dhigeen halka 7-da harsan ay ku raad joogaan.
ugu dambeyn Ciidanka Booliska oo kaashanaya Ciidanka Madaxtooyada Magaalada Qardho ayaa la wareegay Xarunta ay ka dhacday mashaqada.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





