Muqdisho(Halqaran.com) –Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa qoraal uu u diray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Janeraal Odawaa Yuuisf Raage waxaa uu kaga dalbaday in loo yeero Illaa Shan Sarkaal Ciidan oo lagu tuhmayo dhacdadii 27 December ee ahaa isku daygii la damacsanaa in lagula wareego Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Guddiga baaritaanka ayaa waday su’aalo weydiin iyo xog uruurin la xiriira qaabkii ay wax u dhaceen iyo cida soo agaasintay, waxaana Taliyaha xoogga laga codsaday in Saraakiishan maalinta sabtida ay yimaadaan, Xafiiska Wasiiro Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, si ay ula kulmaan guddiga baaritaanka uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha.
Guddigaan oo ka kooban illaa 5 xubnood ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Fedraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble Magacaabay 30 December 2021, si ay baaris dhameestiran ugu soo sameeyaan dhacdadii ka dhacaday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo kan Golaha Wasiirada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





